Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho, isaga oo u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.
Ra’iisul wasaaraha oo kormeerkiisa ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.
Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay ay dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.
Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.