a’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, masuuliyiin iyo dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Dhuusamareeb, isaga oo dowladda Galmudug iyo shacabka ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kuso dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Ujeedka socdaalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ah ka qeyb galka shirka golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS, Kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb .
Magaalada Dhuusomareeb ayaa la filayaa in dhawwaan ka furmo shirka golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada , marka laga reebo madaxweynaha Puntland.
https://youtu.be/_NLdZfm8-2o