Home Afsomali Ramla Sacid Cali oo looga adkaaday tartanka feerka ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo

Ramla Sacid Cali oo looga adkaaday tartanka feerka ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo

Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha feerka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa looga adkaaday tartanka.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag oo socotay shan wareeg.

Ramla ayaa la sheegay iney dedaal muujisay intii ay feertameysay inkastooo nasiibku ka hiiliyey, waxaana biladii dahabka aheyd qaatay haweeneydii ka guuleysatay.

Ciyaaratan ayaa ka tirsaneyd tartanka feerka ee ciyaaraha Olimbikada ee ka socda magaalada Tokyo ee dalka Japan

Claudia Nechita waxay ka socotaa dalka Romania, waxay ku biirtay ciyaaraha feerka markii 13 sano jir aheyd. Ka hor inta aysan ku biirin feerkana waxay dheeli jirtay kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.