Rugta Ganacsiga iyo warshadahaa iyo wasaarada Ganacsiga Soomaaliyeed ganacsatada ayey la yihiin faaiido wadaag dhibkooda qasaaradooda iyo dilka iyo jirdilkana xitaa kama tacsiyeeyaan
Waxaan og nahay inta ganacsato koofur burcad koofur afrikaan ah ay gacaansato ku dileen hantidooda boobeen iyo wadamo kale kama hadlaan balse waxay laba acanleeyaan canshuurta ay ka qaataan oo mararka qaarkood isku khilaafaan sidii ay u qeybsan lahaayeen
Taasi oo ay u sii dheer tahay garabyada rugta ganacsiga oo hogaankooda qaarna diideen halka qaarna ay wax wada cunsi ka dhaxeyso
Iyada oo taasi jirto ayaa waxaa dalka turkiga ka dhacday in ganacsato mudo xireed dowladaasi go,aansatay in dalkoodii loo tarxiilo ka dib markii Booliska magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa 16-kii bishan ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo lasoo daayay,.
Ganacsatada ayaa waxaa loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.
Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dacweeyeen dadka Xaafada ay ku Ganacsanayeen, balse dadaal farabadan ay sameeyeen kusoo daayeen.
Safiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababaha dadkaan loo xiray ay aheyd in ay dalkaasi ku tageen Viisooyin Dalxiis iyo kuwa Ardaynimo, isla markaana dalka Turkiga aan laga ogoleyn.
Ugu dambeyn Safiirka waxaa uu sheegay in guddiga Ganacsatada Soomaalida ay u sheegeen in dadka la xirxiray dhowr jeer loo keenay digniino kala duwan lagana dalbaday inay Sharciga wadanka ku joogaan ka dhigtaan mid Shaqo, balse ay ku adkaatay.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in tirada Soomaalida Ganacsatada ah ee la xir xiray ay gaarayaan 9 qofood oo isugu jira 7 rag ah iyoaba dumar ah.