Marka la fiiriyo mustaqbalka, wixii dhacay 24-kii February, 2022, dadka taariikhyahannada ah waxay dhihi karaan ma ahayn billowgii Dagaalka ay ciidamada Ruushka ku galeen dhulka Ukraine, balse waxay dhihi karaan waxaa la galay billowga Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, sida uu sheegay seynisyahanka dhinaca siyaasadda, Paul Poast.
Seynisyahankan oo bare ka ah Jaamacadda Chicago, sidoo kalena khabiir ku ah sida awooda dhaqaale ay xuddun ugu tahay dagaalka, waxa uu ku doodayaa in ka qayb galista Dagaalka aysan ku ekeyn oo keliya in ciidamo loo diro jiidda hore.
Isagu wuxuu aaminsan yahay in hubeynta dhinac ka mid ah kuwa dagaallamaya ay la mid tahay in toos looga qayb qaatay dagaalka.
Sidaas awgeed, Mareykanka iyo Isbahaysiga Nato – oo isbuucyadii lasoo dhaafay taageero balaayiin doolar ah siinayay Ukraine, Ruushkana kusoo rogay cunaqabateynno dhaqaale oo culus – waxay ka mid yihiin dhinacyada sida tooska ah ugu jira dagaalka hadda socda.
Mar haddii ay dagaalka qayb ka yihiin dalalka quwadaha waaweyn ee Mareykanka, Ruushka iyo Bariga Yurub, waxay taas ka dhigan tahay inuu billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.
Waxaa jira dhacdooyin taariikhi ah oo taageeraya hadalka seynisyahankan. Midda ugu weyn, oo isaguba uu soo xigtay waa weerarkii uu Japan ku qaaday saldhigga Pearl Harbor, oo ahaa fal Mareykanka sabab ugu noqday in uu lugaha la galo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Sabab la mid ah taas ayuu aaminsan yahay Mr Poast in ay dhici karo – wuxuuna sheegay in xilli walba laga yaabo in Ruushka uu weeraro Poland, oo ah halka ay inta badan la marsiiyo gargaarka loo wado Ukraine ee laga soo qaaday Mareykanka iyo Nato.
Haddii Poland oo xubin ka ah Nato la weeraro waxaa Dagaalka toos u galaya dhammaan dalalka ku jira Nato, arrintaas oo ah sharci u yaalla isbahaysiga Nato.
Dhowr arrimood ayuu hoosta ka xariiqay Mr Poast oo wareysi siiyay BBC-da.
Ma waxaan ku jirtaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka annagoo fahansaneyn?
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waxa uu noo sheegay in aah hadda ku jirno Dagaalkii addexaad ee Adduunka. Hoggaamiyeyaal kale iyo khubaro ayaa iyagana sidaas wax u eh yidhi.
Jawaabta laga bixinay su’aasha ku aaddan in lagu jiro Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka waxay ku xiran tahay sida uu qof walba u yaqaanno marxaladdaas.
Dadka qaar baa aaminsan in dagaal noocaas uu dhacayo oo keliya marka la isu adeegsado hubka nuclear-ka, kaasoo runtii noqon doona dagaal aad u kooban maadama rasaastu ay tahay nuclear, oo neef ahaan loo qaadanayo, dhimashadiisuna ay aad u badnaaneyso.
Qaar kalena waxay u yaqaannaan in dagaalka noocaas ah uu meelo badan oo adduunka ka mid ah ka dhaco hal waqti oo isku mid ah.
Haddii sidaas ay tahay dagaalka hadda socda laguma tilmaami karo kii saddexaad, maadaama uu Ukraine keliya ka socdo hubka wax gumaadana aan la isticmaalin.
Balse Mr Poast sida uu qabo, in Dagaalka Saddexaad ee Adduunka lagu jiro waxaa lagu fahmi karaa inta wdadan ee ku lugta leh waxa socda. Haddii waddamo kala duwan oo awoodda ugu sarreysa caalamka ku leh ay saameyn ku leeyihiin waxa ay noqoneysaa markii ugu horreysay ee taasoo kale ay dhacdo tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
“Sababo badan marka la fiiriyo, waxay ila tahay in lagu jiro qaybihii ugu horreeyay ee waxa ay taariikhyahannadu marka dambe ku tilmaami doonaan Dagaalkii Saddexaad, inkastoo hubka nuclear-ka aan la adeegsanin wali,” ayuu yidhi.
Sababaha ugu waaweyn ee uu sidaas ugu maleynayo waxaa ka mid ah in ugu horreyn uu dagaalkan ku jiro waddan ka mid ah kuwa ugu awoodda badan adduunka, oo ah Ruushka. Tan labaadna, inkastoo waddamada kale ee quwadaha waaweyn aysan si toos ah ugu jirin, aad ayay ugu dhow yihiin.
Mareykanku waxa uu si cad nooc walba oo hub ah u siiyaa Ukraine, si ay ugula dagaallanto Ruushka. Maadaama aysan sir ahayn in Mareykanku uu taageero militeri siiyo Ukraine, oo ka duwan habkii qarsoodiga ahaa ee uu Mareykanka u caawin jiray Afghanistan markii ay ciidamada Soviet-ka weerareen 1989-kii, waxay taasi muujineysaa in Dagaalkan uusan la mid ahayn dagaallada kale ee caadiga ah, oo cid walba aysan shaacinin cidda ay taageersan tahay.
Yemen ayaa tusaale fiican ah, oo waxa ka socda uu yahay dagaal si dadban uga dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan, oo ah labo waddan oo dagaal qabow uu ka dhaxeeyay tobannaan sano.
Waxay iska ilaaliyaan in ay si toos ah labadooda u dagaallamaan, balse waxaa la aaminsan yahay in ay maalgasadaan dagaalka ka socda Yemen.
Dhinaca Ukraine, waddamada uu dagaalka ka dhaxeeyo way cad yihiin.
Hal dhinac waxaa taagan Ruushka taageero ka haysta Belarus, haddana raadinaya taageerada Shiinaha.
Dhanka kalena waxaa taagan Ukraine oo taageero buuxda ka haysata Nato, Mareykanka iyo dalalka kale ee loogu yeero Reer Galbeedka. Sidaas awgeed way caddahay tirada inta dhinac ee ku lugta leh dagaalka.
Hal arrin oo qof uu ku dhihi karo laguma jiro Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka waa in uusan jirin Dagaal toos ah oo ka dhaxeeya militeriga Mareykanka ama kuwa Nato iyo ciidamada Ruushka.
Balse haddii aad dhageysato hadallada Zelensky iyo hoggaamiyeyaal kale, waxaad dareemeysaa in rasaas ay isku furaan Ruushka iyo Mareykanka ay noqon doonto lagama maarmaan.
Halkaa arrin ayaa maqan, laakiin dhammaan calaamadaha kale waxay muujinayaan Dagaalkii saddexaad ee Adduunka, sida uu qabo Paul Poast.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden waxa uu sheegay in waddankiisa uusan ciidamo u diri doonin Ukraine si ay ula dagaallamaan Ruushka, balse uma arko in dirista saanadda militeri iyo dhaqaalaha ay tahay ka qayb qaadashada dagaalka.
Hase ahaatee waxaa xusid mudan in ka qayb qaadashadii Mareykanka ee labadii Dagaal ee dunida soo martay ay ka billaabatay inuu diro qalab militeri oo uu ku caawinayay xulafadiisa.
Putin dhankiisa marka laga fiirinayo arrinta, waxa uu aaminsan yahay in haddaba uu dagaal kula jiro Reer Galbeedka, sida Mareykanka, mana kala jecla in ciidamo Mareykan ah la geeyo Ukraine iyo in kale.
Dabcan in ciidamada Mareykanka ay halkaas tagaan waa xaalad wax badan baddaleysa, sababtoo ah waxaa markaas hubaal ah in dagaalka uu sii xoogeysanayo.
Laakiin haddii Putin militerigiisa ay guul kasoo hoyin waayaan Ukraine wuxuu dhihi doonaa sababtu waa caawinta Mareykanka iyo Nato ay siinayaan Ukraine.