Home Afsomali Ruushka Oo Xabsiga Dhigay Boqolaal Dad Hor Leh Oo Kasoo Horjeeda Go’aankii...

Ruushka Oo Xabsiga Dhigay Boqolaal Dad Hor Leh Oo Kasoo Horjeeda Go’aankii Putin

Boqolaal qof ayaa mas’uuliyiintu xirxireen iyadoo mudaaharaadyo looga soo horjeedo “abaabulka uu wado Madaxwyne Putin ay ka socdaan dalka oo dhan, sida ay sheegtay hay’ad madaxbannaan oo u dooda xuquuqda aadanaha.

OVD-Info ayaa sheegtay in 724 qof lagu xiray 32 magaalo oo kala duwan Sabtidii.

Mudaaharaadyo baahsan ayaa bilaawday tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay qorshe lagu diyaarinayo 300,000 oo rag ah si ay uga dagaalamaan Ukraine.Isku soo baxyada aan sharciyeysneyn ayaa mamnuuc ka ah dalka Ruushka.

Laakin tillaabada Mr Putin uu ku doonayo in dadka rayidka ah ay uga mid noqdaan ciidamada milatariga ayaa dhalisay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay magaalooyinka, iyadoo in ka badan 1,000 qof lagu xiray mudaaharaadyo horraantii toddobaadkan dhacay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay inuu goob joog u ahaa mid ka mid ah dibad-baxayaasha ku sugan magaalada Moscow, oo ku qaylinaya erayo ka dhana Putin” iyadoo ay niinkaas xireen saraakiishu markii dambe.

Mr Putin ayaa Sabtidii  wuxuu saxiixay amarro cusub oo lagu ciqaabayo dadka amarada dowladda ka hor yimaada waxaana ka mid ah waxyaabahaas 10 sano oo xabsi ah inuu gali doono askari kasta oo lagu qabto isagoo isku dayaya inuu baxsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.