RW Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaqeyd daahfurey duulimaadyadii ugu horeeyey oo toos ah Magaalooyinka Muqdisho nairobi,Nairobi Muqdisho
Raiisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa warbaahinta ka sheegay in diyaradaha haatan wxii ka danbeeya ay si toos ah safarkooda ugu tagi doonaan nairobi la joojiyey baartanadii iyo sii mari taankii magaalada wajeer oo rakaabka lagu baari jirey
Waxaana Munaasidaasi ka dhacday Garoonka Muqdisho internationla airport
Dhawaan ayey aheyd kolkii labada dal ay heshiis kuwa gaaraan in duulimaadyadu Noqdaan kuwa toos ah tanine waa dhaqan galkii heshiiska.
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska RW Xasan Cali Kheyre ayaa u qornaa sidaan
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka Caalamiga ah ee Aadan-cadde, taasoo lagu maamuusayay duulimaadkii u horeeyey oo toos ah muddo toban sano ah oo ay sameyneysay diyaarada African Air kuna wajahneyd magaalada Nairobi, iyada oo aan ku hakan garoonka Wajeer oo baaritaan dheeraad ah lagu sameyn jiray duulimaadyada ka baxa garoomada dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa arrinkan ku tilmaamay inuu yahay tilmaan muujineysa xiriirka dhow ee ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, isaga oo xusay in dadaalkan ay sameysay xukuumadii hore iyo hoggaankeeda.
Munaasabada ayaa waxaa joogay taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan-cadde, Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo ah haatan Wasiirka Qorsheynta Xukuumada cusub.
“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushamada iyo qadarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay Maamulka Garoonka iyo hogaanka socdaalka, isaga oo ku booriyay in laga feejignaado in aysan soo noqon in mar kale laga shakiyo duulimaadyada ka soo baxaya garoonka Muqdisho.
“Waa inaad hubin iyo baaris adag ku sameysaan duulimaadyada iyo dhamaamba qeybaha adeegyada bulshada ee garoonka, si aysan mar kale u soo noqon in duulimaadyada ka baxa dalkeena aan la oran la iskuma haleyn karo ee ha lagu sii baaro meelo kale.
—-DHAMMAAD—-
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0