Home Afsomali Sababata Somaliland u jartay Internetkii Laascaanood iyo Wararkii u Dambeeyay

Sababata Somaliland u jartay Internetkii Laascaanood iyo Wararkii u Dambeeyay

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa saakay xoog ku jaray adeegga intetnetka ee magaaladaasi ka shaqeenayay, kaddib markii ciidamada galeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta kuna amreen maamulka in ay jaraan intetnetka.

Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa la sheegay in gabi ahaan jartay adeeggii internetka, waxaana kaliya shaqeenaya telfoonka wacitaanka caadiga ah, waxaana hawada ka maqan inta badan internetkii laga isticmaali jiray Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa wali lasoo sheegayaa in ay ka socdaan rabshado u dhaxeeya shacabka magaalada iyo ciidamada Somaliland, shacabka carreesan ayaana ciidamada ku tuuraya dhagxaan halka ciidamada iyaguna adeegsanayaan rasaas nool nool.
Waxaa wali xiran inta badan goobihii ganacsi ee ku yaallay magaalada Laascaanood, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo in rabshadaha halkaasi ka socda in ay kasii daraan haddii aan xal deg deg ah la helin.https://youtu.be/hHo-r840Ce4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.