Home Afsomali Sababtii ka danbeysay Xariga Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS Soomaaliya

Sababtii ka danbeysay Xariga Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS Soomaaliya

Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle.

Mas’uulkaan ayaa la sheegay in taariikhda marka ay aheyd 4-tii bishaan hoygiisa lagala baxay,wuxuuna ku xiran yahay mid kamid ah xarumaha Hay’adaha amaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle lagu tuhmaayo musuq-maasuq,islamarkaana ay soo eedeeyeen Xeer ilaaliyaha qaranka iyo Hantidhowrka.

Dhanka kale wasiir Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur, oo maanta warbaahinta kula hadashay Magaaladda muqdisho ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii xuriyadiisa u heli lahaa Mas’uulka

Isla maanta waxaa xabsiga la dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdulahi Xaashi, waa sarkaaalkii 2-aad muddo 24 saac ah oo wasaaradda laga xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.