Home Afsomali Sacuudiga oo soo saaray magacyada Xujeyda Soomaalida ah ee ku geeriyootay xajka...

Sacuudiga oo soo saaray magacyada Xujeyda Soomaalida ah ee ku geeriyootay xajka sanadkaan

Wararka naga soo gaaraya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku warramayaa in illaa 2 Xujey Soomaali ah shalay ay ku Geeriyootay dalkaasi, kadib isbuurasho ka dhacday Mina, oo u dhow magaalada Barakaysan ee Makka.

Allaha u naxariista Marxuumiin Geeriyootay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku dhintay Mina iyo Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku Geeriyooday Buurta Carafa.

Sidoo kale waxaa isbuurashadaasi ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Sacuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay gabagabo marayso gudashada Acmaasha Xajka oo sanadkan ay ka qeyb qaadanayaan Maliiyiin Muslimiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.