Home Afsomali Salfiya Romano Oo weli ku maqan gacmimaha 3 Afduube

Salfiya Romano Oo weli ku maqan gacmimaha 3 Afduube

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, Markus Ojola ayaa sheegay in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo SALFIYA ROMANO weli afduub loogu haysto gudaha dalka Kenya, wuxuuna beeniyey in Haweeneydaasi loo gudbiyey gudaha Somalia.

Haweeneydaasi oo 23-jir ah waxaa bishii November 20-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii laga afduubtay Gobalka Malindi, balse aan la aqoonin halka ay Afduubayaasha la aadeen.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, Markus Ojola waxa uu tilmaamay inuu weli socdo baadi-goobkeeda, isla markaana ay hayaan warar horseedi kara in la soo badbaadiyo Haweenydaasi, lana soo xiro kuwa afduubtay.

Mar sii horreysay, Boliska Kenya waxay sheegeen in hawlgalkooda Gurmadka uu hakiyey Cimiladda oo xun iyo Shabakadda Isgaarsiinta oo aad u liidata.

In ka badan 100 qof ayey Boliska Kenya u xireen Afduubka Haweeneydaasi, inkastoo ay dadkaasi beeniyeen inaysan wax lug ah ku lahayn falkaasi.

Bishii November, Boliska Kenya waxay sheegeen inay Abaalmarin lacageed oo dhan 3 million Shillinka Kenya siin doonaan cidda keenta xog lagu soo qaban karo saddexda Eedeysane ee muhiimka u ah Afduubka Haweeeneydaas u dhalatay Talyaanigga oo u shaqayn jirtay Hay’ad aan Dowli ahayn oo lagu maagacaabo Africa Milele Onlus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.