Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dilay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobobolka Banaadir.
Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee maagaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaasi, waxaana ay tilmaamtay in xoogagii fuliyey ay si aayar ah uga baxsadeen goobta.
Sidoo kale warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Muxamed Isxaaq, islamarkaana uu ka howlgalayey xerada Iskuul Boliisiya, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca sarakiisha ciidamada ammanaka, gaar ahaan kuwa Booliska oo ku aadan dilkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo u geysata dilal qorsheysan.
ma ahan marki ugu horeesay ee toogasho lagu dilo askar ka tirsan dowladda soomaaliya Dhawaan ayey aheyd markii labo askari ay ku dishay xaafadda Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.