Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.Tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.
Wuxuu ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa Ciidamada in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay u baahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.
Ciidamada Booliska Galmudug ee Maanta tababarka loo furay ayaa markii ay dhameystaan waxaa la geyn doonaa qaar kamid ah degmooyinla Maamulka Galmudug si ay Amniga u xaqiijiyaan.