Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa 1.5 milyan oo gini ugu deeqday in lagu taageero mashruucyada kaabayaasha Soomaaliya.
Taageeradan oo la marsiinayo Bankiga Horumarinat Afrika, ayaa gacan ka geysan doonta xasiloonida Somaaliya, ayada oo diiradda lagu saari doono maal-gelin lagu sameeyo qeybaha tamarata, biyaha, nadaafadda iyo gaadiidka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda UK.
Dowladda UK waxa ay sheegtay in lacagtan ay sidoo kale dowladda Soomaaliya ka caawin doonto xoojinta awoodaha horumarinta iyo maamulka kaabayaasha, sida tababar xirfadeed oo la siiyo dhallinyarada.
Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee Soomaaliya Phil Evans ayaa yiri “Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waa ahmiyad sare, taageeradan cusub waxay buuxin doontaa waxa ka gaabta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya. Caawimaaddeena waxay qeyb ka tahay dadaalka dowladda UK ee xoojinta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya”.
Lacagta ayaa qeyb ka ah heshiiska hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada la eh ee bishii September 2013 lagu gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium.