
Dowladda Kuuriyada Konfureed ayaa ka mamnuucday muwaadiniinteeda in ay usoo safraan dalka Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka amaanka.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa looga mamnuucay in muwaadiniinta dalkaasi u dhashay aysan u safri karin dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen, Libya iyo Afghanistan ilaa lixda bilood ee soo socota.
Dowladda waxay kordhisay muddada horey loo joojiyay in loosoo safraa dalalka Soomaaliya ay ku jirto, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 July.
Wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa u sheegtay dadka u dhashay Koonfurta Kuuriya inay ka taxadaraan u safridda dalalka Soomaaliya ay ku jirto, cabsi dhanka amaanka ah darteed.
Waxaa loogu baaqay dadka hadda ku sugan dalalka amni darada laga sheegayo inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Mar sii horeysay qoraal kasoo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalal Soomaaliya ay ku jirto.
Dalka Soomaaliya ayaa in muda ah waxaa ka jirta Digniino Xoogan oo dalalka Caalamka ay Muwaadiniintooda uga digayaan in ay usafraan Taasina Waxaa keentay Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCm