Home Afsomali shahiid-nimo ku dhimo maamule oo si qaldan loogu yiri

shahiid-nimo ku dhimo maamule oo si qaldan loogu yiri

luuqadda haddii la qaldo khatarteeda ayay leedaha

Sawirka qofka ka muuqda waa ustaad maxamed As-saciidi oo ah maamule mid kamid ah dugsiyada Yemen. Maalin ayaa waxaa u soo dhacday fariin u qorneyd sidan مت شهيدا يامدير oo macnaheedu yahay shahiid-nimo ku dhimo maamule! Maamuluhu isagoo ka sheekeynaya dhacdada ayuu yiri: fariintan markay ii soo dhacday kadib hal isbuuc ayaan guriga ku jiray anagoo banaanka ka baqaya,

fuundi ayaan wacay si uu albaab bir ah guriga iigu sameeyo. Albaabka si walboo loo soo garaaco ma furi jirin, marka aan u baahdo inaan banaanka u soo baxo waxaan iska dhigi jiray oday waayeel ah anigoo ka baqaya in kuwa fariinta ii soo diray ay i dilaan, maalin

anigoo sidii u dhuumanaya ayaan suuqa u soo baxay, waxaa i gartay oo igu soo leexday arday ka mid ah ardayda dugsiga, wuxuu igu yiri: Halkee ka baxday maamule, maxaa dhacay maxaad uga soo jawaabi weyday fariinteyda? Waxaan ugu jawaabay: fariintee ka hadleysaa? Wuxuu yiri: fariintii aan kuu soo diray ee aan ku lahaaمتى الشهادات يا مدير oo macnaheedu yahay goormee shahaadada na siineysaa maamule.

Qoraalka oo qaldamay ayaa maamulaha waxaas oo dhibaato ah marsiisay. Laga soo bilaabo maalinkaa maamulihii wuxuu bilaabay inuu qori Ak 47 soo qaato uuna xaadiro xisooyinka luuqadda carabiga si uu u cabsi geliyo ardeyda si aanay mar dambe qoraalka carabiga ah u qaldin🤣 ~Mustafe Awil Hassan

Previous articleXog hoose Mareykanka oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya Ciidamadiisa
Next articleMike Pompeo ayaa dhaleeceeyay qorshaha Boqortooyada Ingiriiska ee ah in lacag caddaan ah loogu beddelo maxaabiista Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.