Home Afsomali Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay mar kale xildhibaanadu ka doodayaan

Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay mar kale xildhibaanadu ka doodayaan

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in markale ka doodaan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Kulanka Guud ee Golaha Shacabka ayaa ajandahiisu yahay sii waddida doodda akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay soo diyaariyeen Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa khamiistii dood adag ka yeeshay sharcigan, iyadoo Xildhibaanno badan ay ka dhiibteen aragtidooda la xiriirta sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana maanta markale ay Xildhibaannada ka hadli doonaan sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.