Home Afsomali weerarka lagu dilay Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni, oo ay Alshabaab sheegatay

weerarka lagu dilay Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni, oo ay Alshabaab sheegatay

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst — and most neglected — in Africa. REUTERS/Mowlid Abdi (SOMALIA)

Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni ee gobolka J/hoose ayaa la soo sheegayaa inuu ku geeriyooday qarax miino oo lala beegsaday gaadiid uu la socday.

Qaraxa oo ka dhacay isla degaanka ayaa la sheegay inuu haleelay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha degaankaasi Raas-Kambooni u qaabilsanaa maamulka Jubbaland Cabdullaahi Diiriye.

Wararku waxay sheegayaan in guddoomiyuhu uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi miino, isagoo ku dhawaad muddo sagaal sano ah maamulayay deegaanka Raas-Kambooni oo ku yaalla koonfurta fog ee gobolka Jubada hoose, kaabigana ku haya xadka dhinaca badda ee Somalia iyo Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney ka dambeysay weerarka lagu dilay Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni, waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay qaraxaas ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Kenya, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya arrintaas.

Maamulka Jubbaland ayaan illaa hadda war ka soo saarin qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii u qaabilsanaa degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubbada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.