Home Afsomali SHeeko ama Maantoole iyo gabaygii Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore...

SHeeko ama Maantoole iyo gabaygii Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore iyo Sawir Gacmeyd Tusaalooyin Bixinaya

Waxaa la sheegaa in Beri uu Libaax duq ahi bukooday ama xanuunsadey uuna awoodi waayey inuu ugaarsado dabeedna Maalintii dambe buu dawaco oo uu caqli ku tabayey la tashadey oo yiri maxaan sameynaa?

Dawacadii waxay tiri anaa kuu soo qool gelinaya habar dugaag iyo duurjoogta oo dhan oo waxaan mid kasta ku leeyahay waxaa ku casuumay oo kuu yeeray libaaxaas gaboobay oo raba inuu madax idiinka dhigo deegaanka. Wixii midba mar ay soo qool gelisaba dawacadii waxaa ugu dambeeyntii ay soo qool ama xera gelisey dameer.

Dameerkii isagoo aan waxba hubsan ayna u cadahay keliya inuu madax noqdo ayaa markuu godka sii galayey ayaa Libaaxii duqa ahaa is heynwaayey oo sugi waayey intuu si fiican usoo galayo dabadeedna labada dhegood buu goostay dameerkii ka dibna Dameerkii oo dhiig ka da’ayo baa dib usoo booday oo u yimid dawacadii oo yiri naa inkaar kugu dhacdaye maxaad saas iigu geshay? Dawacadii waxay tiri: ma kaa dhab baa? Wuxuu Libaaxu rabay ama doonayey inuu kuu gesho taajka madaxnimada marka adaa deg degay oo madaxa la soo booday ee orodoo ku noqo! Sidii baa dameerkii madax madax isugu tuuray godkii libaaxa halkaasoo uu ku cunay isagoo taaj madaxtinimo raadinaya!

Sheekadan waxaan u soo qaatey oo lagu mitaali karaa madaxda maamul goboleedyada oo sida la ogyahay kursi jaceyl dartii ayey dalka u kala goo gooyeen oo daba dhilifyo,Jawaasiis iyo kabo qaad ugu noqdeen Itoobiya oo waxii ay u yeeriso horey ayey ka aqbalaan haatanse xaalkoodu waa uu kasii darey ka dib markii Imaaraadka Carabta ay shilimaad yar inta ay siisay ka dibna dhegta ugu sheegtay in ay ka hor yimaadaan go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee dawlada dhaxe ee Soomaaliya ay ka qaadatay xiisada u dhaxeysa dalalka khaliijka waxaana muuqata in qaar ka mid ah ragga maamul goboleedyada madaxda ka ah aakhirka sida ay u raadinayaan lacag ay boobaan iyo kursi been ah oo ay ku fariistaan in sida dameerka isagoo madaxtinimo raadinaya uu af libaax ugu galay ay iyaguna ugu dambayntii af libaax ay u galaan Soomaaliyana ay ku sii ridaan god dheer oo ka soo bixidiisa ay dhib badnaan doonto.

Nin raggii hore ee soomaalida ka mid ahaa ayaa laga hayaa “Nin i ciilay igu ciil biximaayo” Sacuudiga xulufada uu hogaamiyo soomaali abaal uma ay dhigan oo horey ayey u ciileen dadkeena maantana ummadda soomaaliyeed kama aqbali doonto in lagu ciil baxo iyagoo tabcanayaal shisheeyaha u adeega xoogaa shilimaad san dareeto ah siinaya.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho

Abdulahi Nur Colombo

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

Gabaygii oo fidsan

  • Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye
  • Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye
  • Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
  • Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
  • Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye
  • Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
  • Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
  • Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga
  • Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
  • Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
  • Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado
  • Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
  • Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
  • Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?
  • Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
  • Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare
  • Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye
  • Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
  • Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
  • Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey
  • War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?
  • Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane
  • Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo
  • Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene
  • Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey
  • Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka
  • Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso
  • Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile
  • Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.