Home Afsomali Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Beledweyne

Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Beledweyne

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Ahmed Hagar (Dabageed) ayaa Shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa shirka Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufurow, Saraakiisha Ciidamada ATMIS Sector Four iyo saraakiisha Ciidamada Booliiska Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay Ahmiyadda ay leedahay in laga shaqeeyo xasiloonidda iyo nabadda guud ahaan magaalada Beledweyne.

Shirkaan looga hadlayay Amniga Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilki ay Magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, balse uu diiday, waxaana garab taagan Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.