Home Afsomali “Jonas Ekströmer “waxaan sanad kasta waalidkood kala wareegnaa 30 000 oo dhalaan...

“Jonas Ekströmer “waxaan sanad kasta waalidkood kala wareegnaa 30 000 oo dhalaan ah

Laamaha hayadaha dawliga ayaa sannad walba la wareega masuuliyadda guud ama qayb masuuliyaddooda ka mid ah dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahaya 30 000. Sidaasi oo ay tahay ayey ka taagan yihiin gabaabsiyo badadan habka ilmaha looga qaado qooysaska, sida ay warbixin sannadeedkiisa ku soo bandhigay wakiilka xuquuqda dhallaanka – Barnombudsmannen, BO.

In awoodda meel la isugu geeyo ayaa loo baahan yahay. Dhallaanka reerkooda laga kaxeeyo waa iney helaan deegaanno uga wanaagsan oo aanaey noqon goobo ka liita halkii laga soo kaxeeyey, sida ay sheegtay Elisabeth Dahlin, ahna madaxa wakiilka xuquuqda dhallaanka BO, mar ay wareeysi siisay Cecilia Tengmark oo ka howlgasha laanta wararka Ekot.

BO ayaa dawladda u gudbisay warbixin sannadeedkeeda, halkaasina oo ey ku xusan yihiin baarisyo la xiriira masuuliyadda waalidnimo ee bulshada ka saaran dhallaanka, iyadoona uu wakiilku xiriir la sameeyay dhallaan gaarsiisan 266 oo ku sugan goobaha dhallaanka lagu xanaaneeyo. Waxaa ka mid ah dhallaan lala dejiyey qoysas kale, goobaha dhalliaanka lagu xannaaneeyo ee lagu magacaabo hvb-hem, gaar ahaan hooyga dhallinyarada.

Iyadoona sawirka uu wakiilku ka bixineyo uu yahay mid aan wanaagsanayn. Wakiilka ayaa farta ku fiiqay tusaale ahaan dhallaan lagu meeleeyey hooy khaas ah, la dejiyey goobo kala duwan. Gaar ahaan marka laga hadleyo hablaha, kuwaasina oo badankood intii la warreeystey soo mareen deegaanno shan ah. Arrimmahan ayaa caqabad ku dhalinaya waxbarashada dhallaanka iyo iskuullada, sida ay sheegtay Elisabeth Dahlin.

Waxaannu ogsoonnahey in arrimmaha ugu wayn ee dhallaanka loo meeleeyo ay ka mid tahay siduu ku heli lahaa/lahayd waxbarasho wanaagsan. Hase yeshee uu is bedel walba oo hooyga lagu sameeyo hor seedayo inaan iskuulka la tegin. Waxaannu dhallaanka ka maqalney in muddo dheer iskuullada ey ka baaqdaan, sida ay sheegtay.

Wakiilka xuquuqda dhallaanka ayaa warbixinta uu dawladda u gudbiyay ku soo jeediyay fikirro ey ka mid yihiin, in dawladdu baaris u saarto in ganaax lagu soo rogi karo degmooyinka aan ku guuleeysan in dhallaanka la meeleeyo aaney iskuul tegin.

Warbixinta BO ayay sidoo kale ka muuqataa in dhallaanka lagu meeleeyo guryaha khaaska iyo guryaha loo yaqaanno hbv-hem ey kaga badan yihiin isku dayga isdilka ama in lagu fekero, kolka loo barbar dhigo dhallaanka kale. Sidoo kale in jirdilka iyo faraxumeeyntu u tahay nolol maalmeed..

Dhallaanka lagu meeleeyo gurayaha dhallinyarada ayaaney barkood ammaan ku heeysan goobahaa. Dhallaankuna xaq bay u leeyihiin iney ammaan dareemaan.

Dawladdu Waa inay sidoo kale baaris ku sameeysaa suurtagal ah in hayadda BO Barnombudsmannen xaq loo siiyo inay guddoonto, baaris ku sameeyo ama go’aan ka gaarto arrin dhallaan ku saabsan ama ey maxkamaddaha uga matasho, sida ay sheegtay Elisabeth Dahlin..

Waddammo badan oo kale ayaa nidaamkan qaba. In dhallaanka loo caddeeyo inuu gef dhacay, si uu horay ugu sii tallaabsado noloshiisa. Marka waxaa loo baahan yahay in degdeg baaris loogu sameeyo siyaabo kala duwan sidii looga raali gelin lahaa, sida ay sheegtay wakiilka xuquuqda dhallaanka Elisabeth Dahlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.