Home Afsomali Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

Shirka oo uu gudominayay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland  Axmed Yuusuf Taaran waxaka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Xeer Ilaaliyaha Guud,Gudoonka Maxkamadda darajada 1aad ee Nugaal, Saraakiisha Booliska Nugaal Iyo Masuliyiinta Danbi Baarayaasha Booliska ee (C.I.D).

Shirka ayaa aad loogu lafa guray wada shaqaynta laamaha amaanka Magaalada Garoowe iyo Garsoonka Gobolka Nugaal, iyada oo warbixino looga dhagaystay taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay laamaha Garsoorka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland siday u wada shaqeyaan isagoona sidoo kale faray taliyaasha saldhigyada in la dardar galiyo wadashaqaynta lamaha Garsoorka.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli laamaha Amniga Gobolka Nugaal ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo Amni xaqiijin ah ka wadeen Xaafadaha Magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.