Home Afsomali Shir looga soo horjeedo Madaxweynaha Jubaland iyo maamulkiisa oo ka dhacay doolow...

Shir looga soo horjeedo Madaxweynaha Jubaland iyo maamulkiisa oo ka dhacay doolow ee Gobolka Gedo

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maanta waxaa ka dhacay Shir looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,waxaana Shirka ka soo qeyb galay Wasiirro,Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Dhinacyada ka qeyb galay Shirka  ka dhacay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Maamulka Jubbaland ay dhibaato ka dhacleen,waxaana ay sheegeen in Dadka daga Gobolka Gedo ay Dhibaato Joogto ah iyo Xasuuq ay ku qabaan Maamulka Jubbaland oo aysan jirin wax ay ka faa’ideen sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan Jubbaland ee ku shiray Magaalada Doolow ayaa horay u sheegay in Dastuurka Maamulka Jubbaland lagu tuntay islamarkaana uu Gacanta ugu jiro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Jubbaland weli kama hadlin Eeda uga timid Xildhibaanada iyo Siyaasiinta ku shiray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo

 

dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.