Waxay sheegtay in Golahaan ku dhisan yihiin habka awood qeybsiga 4.5 waxayna sidoo kale sheegtay in ay awoodii dalka la wareegeen gole ay sheegtay in ay dhistay iyada oona ugu baaqday farmaajo in uu awoodo ku wareejiyo goleheeda siyaasadeed ciidamada dowladane siyaasada aysan ku millin.
Golaheeda cusub ayey ku tilmaantay in ay badbaadinayaan heshiiskii dowladnimo oo sii liicayey.
warsaxaafadeedkeeda ay soo saaratay ayey ku tilmaantay heshiis siyaasadeed dalka lagu badbaadinayo waxayna beesha caalamka ku wargaliyey in madaxweyne farmaajo iyo rooble midkoodna uusan dalka xil u heynin ayna dhamaatay mudo xiloodkoodii
Qoraal golaha ka soo baxay ayaa waxaa uu u qornaa sidaan Xaqiijinta Madaxweynaha Dalka in uu Xilkiisii Dhamaaday iyo Dhisida Golaha Sare ee JFS:
Ayadoo ay muuqato Madaxweyne waqtikiisii dhamaaday, Xukuumadii Xilgaarsiinta oo ku fashilmatay Doorashadii Dalka, Baarlamaankii oo qaar lasoo doortay dalkii oo hubintin la’aan wajahaya.
Fawdada iyo Firaaq Dastuuriga jira;
*Ku takrifalka awoodeed oo qaawan *Sharcigii oo la hareer maray, Dastuurkii oo la laalay.
* Muwaadiniinta Musharaxiita aheeyd oo xuquuqdoodii musharaxnimo lagu tuntay, boobka iyo qof jecleeysiga oo qasab looga dhigayo bulshada Soomaaliyeed.
*Haweenka oo lagu xadgudbay xuquuqdoodii, Kootadii Haweenka 30% oo lagu heshiiyay oo la hareer maray.
*Madaxweyne waqti xileedkiisii Dastuuriga ahaa ka dhamaaday, balse aan ilaalineeyn Dastuurkii lagu doortay, lurna aysan ku heeyn
* Marjac loo laabto oo qaladaadka saxa oo jirin mid sharci iyo mid dhaqan
* Xukuumad Heshiiskii Dadbanaa oo Doorashada ku fashilmatay, ayadoo Baarlamaankii qaar la soo doortay.
Markii waxaas oo idil la darsay, ayna muuqato in Dastuurka dalka wali ku meel gaar yahay, Siyaasad lagu heshiiyay oo lagu dhameeys tirayna aysan jirin. Awooda Madaxweyne ku takrifalaya dalka oo aan lala xisaabtameeyn ay sii xoogeeysaneeyso, baa waxaa muqadas noqotay in si dalka looga badbaadiyo Firaaqa Dastuuriga iyo Madaxweyne ku takrifalaya awooda Dalka, in la dhiso Golle Sare ee JFS oo lagu badalo awooda Madaxweynaha uu dastuurka siinayo, inta laga dhameeys tirayo Dastuurka dalka. Firaaqa Dastuuriga oo burburinaya Dawladnimadii qori isku dhiibka aheeyd oo dimuquraadiyada ku dhisneeyd, markii Madaxweyne iyo Raysalwasaare aan ka Garwaaqsaneeyn xaalada dalka ay galiyeen, iyo dhibaatada ka imaan karta . Muwaadiniin Soomaaliyeed una soo shaqeeyay dalka baa u istaagay badbaadada Dalka, iyo in ay muqadas tahay in la cadeeyo ayagoo tixraacaya Qodobka 91aad. ee Dastuurka ku meel gaarka oo qoraya sidan; Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka. Madaxweynaha Mohamed Abdullahi Farmaajo waqtikii loo idmaday in uu xukunka haayo oo Dastuuriga aheeyd ay ku egeeyd 8- da bisha Febaraayo 2021. Waqtikii Xilgaarsiinta aheeyd oo ay
Madaxweynaha iyo Raysalwasaarah ku darsadeen si shaqada usii socoto oo dalka looga hergalito Doorasho loo siman yahay, waxaa cad oo muuqata in lagu fashilmay, oo xuquudii Musharaxiinta muwaadiniinta lagu xadgudbay, madaama lagu heshiiyay Doorasho Dadban waxaa loo qaatay in Dastuurka dalka u yaal iyo sharciyada kale aysan doorashada shaqo ku laheeyn. Waxaa la laalay Dastuurkii Dalka. Dalka waxa uu ku jiraa Foowdo iyo Firaaq Dastuuri ah. Qodobka 87-2 ee Dastuurka ku meel gaarka waxa uu qorayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Marka Haddii Madaxweynaha xilkiisii dhamaaday Xilgaarsiintiina Xukuummadiisana ay ku fashilmatay Doorashadii, Dastuurkiina la laalay, Madaxweynaha ma jiro Raysalwasaarana ma jiro sida ay Muwaadiniinta Musharaxiinta ah xuqquuq la’aan uga dhigteen markii Dastuurikii iyo sharciyadii dalka ay meesha ka sareen markaas beeyna xilal koodii meesha ka saareen. Haddii aan la qabana oo la qeexina wax kasta baa ka imaan kara madaama ay Dastuurkii dalka ay laaleen. Sidaa dardeed baa keentay in madaama aysan xil ku fadhin in la qeexo maalinta ay Xilka ugu egtahay si dalka iyo dadka loo badbaadiyo loona dhiso Golle kumeel gaar ah, oo leh awooda Madaxweynaha Dastuurka siinayo dalka Doorashana gaarsiiya ,Dastuurkana dhameeystira. Si wadar ogol loo helo waa in ay raadiyaan mideeynta dalka, lana shaqeeyaan Siyaasiyiinta, Dawlad Goboleedyada, bulshada qeeybaheeda kala duwan lagana wada shaqeeyo sidii dalka loo badbaadin lahaa, waxaana ay ku dhisan yihiin Gollahaas Qaabka 4.5 oo aas aaska u ah Dawladnimada Dalka. Taa baa keentay in maanta oo ah 21- kii December 2021 loo aqoonsado maalinta ay xilka ugu egtahay Madaxweynahii hore ee dalka Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo, lana
Dhisay Golle sare ee JFS oo ka kooban 9 xubnood oo ku dhisan qaabka Dawladnimada Dalka aas aaska u ah ee 4.5. Haddana halkaan lagu xusayo 5 xubnood ,si 4ta dhiman si wadar ogol iyo wada tashi ah loogu soo dhameeys tiro.
Magacyada Xubnaha Gollaga Sare JFS
1- Suban Mahad Dirir
2- Gen Mahamuud Ma’alin koronto
3- Mohamed Ahmed Awil
4- Adam Abdala Adam Jaawi
5- Mohamed Mukhtar Beley
1- ku dhawaaqida shir weeyne wada tashi ah, si xal wadar ogol ah loo gaaro
2- Qabashada Doorasho loo siman yahay
4- Ka shaqeeynta dhameeys tirka Dastuurka
4- Isku dhafka ciidanka iyo xoreeynta dalka
5- Raadinta Midnimada iyo Cadaalada
6- Dardargalinta Kobcinta kaabaha dhaqaalaha iyo Heshiika Kheeyraadka Dabiiciga.
7- La Dagaalanka Nabaad guurka iyo ilaalada bay’ada iyo ka hortaga Abaaraha.