Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oo la hor geeyay golaha Hindise sharcyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.
Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dowladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyn kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.
Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah
Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, waxaana sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”
Waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.