Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xisaam Zaki oo Wareysi siiyey Wakaallada Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegay in Shirka Madaxda Carbeed ku leeyihiin Jeddah laga soo saari doono Go’aano ku aadan Qaddiyadaha Siyaasadda ee Arrimaha Reer Falastiin, Xiisada colaadeed ee dalka Sudan, Dhacdooyinkii u dambeeyey ee dalalka Somalia, Syria, Libya, Yemen, Xiriirka Carabta ee dalalka deriska iyo Muranka Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta waxa kale oo uu xusay in Shirka 32-aad ee Madaxda Carbeed laga soo saaro doono Go’aano horey u ayideen Golaha Dhaqaalaha Bulshada Istaraatiijiyada Carbeed ee Dalxiiska Ajendayasha Carbeed ee sanadaha 2023 ilaa 2033.
Shir Madaxeedka Carbeed waxaa kaloo loo gudbiyey:
1- Ansixinta Xubinnimada Somalia ee Mandiqada weyn ee Ganacsiga Xorta ee Carabta
2- In Taageero Farsamo la siiyo Dowladaha xubnaha ka ah Mandiqada weyn ee Ganacsiga Xorta ee Carbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya Shirka, isaga oo madaxda Carbeed la wadaagaya xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo arrimo kale.