Ilaalada Axmed daaci oo dil iyo dhaawac ka geysata Wadada maka al mukarama ee Magaalada Mudisho
Ilaalo la socotay gaari uu leeyahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir siyaasiga Axmed Daaci ayaa galabta dil iyo dhaawac ka geystay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaalada Axmed Daaci ay rasaas ku fureen gaari kale oo la sheegay inuu lahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo shil la galay agagaarka saldhiga Booliska Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka.
Gaariga rasaasta lagu furay ayaa waxaa la sheegay inuusan la socon xiligaas xildhibaankii lahaa, waxaana ku dhaawacmay darawalka iyo nin la socday oo markii dambe wararku sheegayaan in midkood uu isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Ciidamada iyo saraakiisha saldhiga Booliska Waaberi oo ku soo baxay shilkan ayaa xabsiga dhigay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo la socday gaariga iyo ilaalada la socotay.
Taliyaha booliska Saldhiga waaberi ayaa amar ku bixiyey xariga masuulkan iyo ilaaladiisa, waxaana dhacdadan galabta si weyn looga hadlayey wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo dad badan ay isweydiinayeen sababta keentay in rasaas lagu furo gaari shil galay.