Xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in Bilaal Suudaani uu mas’uul ka ahaa shabakad qaabilsanayd kobcinta joogitaanka ISIS ee Afrika iyo maalgelinta howlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay xitaa ku jirto Afghanistan.
Sudani wax uu raadaarka Maraykanka ku jirtay horaantii 2012, markaasoo ay cunaqabatayn ku soo rogtay magaciisa saxda ah Suhayl Salim Abd el-Rahman, doorkii uu ka qaatay fududaynta in dagaalyahanada ajaanibka ah ay gudaha u soo galaan Soomaaliya kana barbar dagaalamaan Al-Shabaab.
Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay oo la daabacay bishii Luulyo ee sanadkii hore oo lagu baadhay doorka Bilaal Suudaan ee dhaqaalaha kooxda Daacish, ayaa lagu sheegay inuu ahaa xubin weyn oo dhaqaalaha Daacish kasoo qaadi jiray dibbeda sida Afganistan, isagoo kadib soo marsiin jiray Yemen, halkaas oo lagasoo galin jiray Soomaaliya.
Bishii Ogosto 2016, ciidamada gaarka ah ee uu Maraykanku tababaray ee Soomaaliya iyo kuwa dhiggooda ah ee ka socda Puntland, ayaa sameeyay hawlgal ay isku dayeen in ay ku soo qabtaan, balse laguma guulaysan.