Home Afsomali Somalida N.F.D oo ka go.ayso kenya kuna dhawaqda madaxbanaani

Somalida N.F.D oo ka go.ayso kenya kuna dhawaqda madaxbanaani

War lagu farxo loona baahnaa in mudo ah ayaa ka soo yeeray dadgowga soomaalida ku hoos noleyd gumeysiga Kenya gaar ahaa dhulka reserve aria ee N.F.D ka dib shir weyne ay iskuugu yimaadeen Aqoonyahanada siyaasiyiin wargaradka odoyaasha salaadiinta dhalinyaro haween ganacsato iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ah  ee shirkaasi ka qeybgashay ayaa kaga soo saaray warsaxaafadeed loo dhan yahay oo dhowr qodob ka kooban oo ay ugu muhiimsan tahay in ay ka go.ayaan dowlada Kenya isla markaana ay noqonayaa maamul iskii u madax banaan oo aan hoos imaneynin dowlada Kenya si hoosane ugu dowlada dowlada soomalia .

Soomaalidaan ayaa shirka ku yeeshay magaalada mandheera  oo ka tirsan dhulweynaha N.F.D soomaalidaan ayaa ka dhiidhisay isla markaana damiirkoodu kacay ka dib markii ay ka baaraan dageen khilaafka u dhaxeeya dowladaha Somalia iyo kenya oo ay sheegeen in ay dooneyso boobka hantida ma guurtada ah iyo kheyraadka bada soomaaliya wixii haatan ka danbeeyana arimahaas aysan u dulqaadan doonin

Masuuliyiinta hadashay doonitaanka madaxbanaanida N.F.D ayaa si cad u sheegay in dhibaatooyinka argagixisanimo mar karkasta oo ay ka dhacaan keenya oo iyo duulaamada alshabaab ciidankodu weeraraan ayn ka aargoostaan  muwaadiniinta soomaalida ee halkaasi ku nool

Waxaa kale oo ay shaaciyeen in ay ka  maqan tahay xaquul badan oo kale duwan kuwaas oo ay ku tabayan dhanka xakuumada Nairobi haatan wixii ka danbeeyana doonayaa in ay gooni isu taagaan maamulka dowlada aysan ku kalsooneyn ee Kenya

Dhanka kale dowlada Kenya ayey ugu baaqeen in qorshada dadka reer N.F.D aysan wax walaac ah ka muujinin si la mid ahna u arkin Kenya nidaam iyada dhibaato loogu geysanayo.

Ugu danbeyntii warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in khilafka u dhaxeeya dowladaha somaliya iyo Kenya aysan ku dhaxmilmi doonin dadyowga xunimo doonka ah ee doonayo in ay gooni isu taagaan maamulkaan ayaa noqon doono mid kii ugu horeeyey ee ka hana qaada dhuulka N.F.D mudo ka badan 60 sano ee tani noqoneysaa isku daygoodii ugu horeeyey

arintaan ayaa si kal iyo laab ah waxaa u soo wada dhaweeyey dhamaan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waana yididiilo muujineysa in ay shanta soomaliyeed mar uun midoobi doonaan

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.