Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan in shirka berri la soo gabagabeynayo ee heshiiska looga gaaray khilaafka doorashooyinka aysan cidna ku metelin, isla markaana wixii kasoo baxa aysan khusey doonin.
Qoraalkaan waxay ku sheegeen in maalmahaan ay rajo ka qabeen in shirka ka socda Afisyooni laga qeyb geliyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay u arkaan inuu muhiim u yahay midnimada iyo wax ka go’aaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse taasi aysan dhicin shirkuna uu u muuqdo mid gabagabo ah.
“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan berri lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.
Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho uga socday todobaadkaan teendhada Afisyooni, balse waxaa suurtagal ah in arrintaan ay sababto inaan berri lasoo xirin shirka.
Waxaa ayna kala yihiin sidaan
MEDIA LIST
INTERNATIONAL MEDIA LIST
No Magaca Hay’adda Warbaahinta
1 Omar Mohamuud Ali
Abdinsir Abukar Hareed Aljazeera
2 Faysal Omar
Abdirahman Hussein Reuters
3 Mohamud Abdisamad
Bella Sheegow BBC
4 Sadak Mohamed Anadulo News agecny
4 Cabdulqaadir Cabdulle OK VOA
5 Abdirahman Omar Abdulle Horn Connect
6 Yaasiin Maxamed Xirsi Horn Connect
7 Mohamed Mohamud Abdullahi Alarabiya
8 Faarax Cabdi Warsame AP
9 Cabdi Xuseen Faarax AFP
10 Saciid Yusuf Warsame EPA
National Media List
10 Nuuridiin Cabdullaahi Colujoog
Cabaas Cabdi Xaashi Universal TV
11 Faadumo Cabdulqaadir:
Maxamed Cabdiraxmaan Dalsan TV
12 Mahad Hassan Abdi
Zakariye Ahmed Muse Shabelle Media
13 Saleebaan Axmed Raage
Abdirahman Omar Abdulle Somali Cable
14 Cabdulqaadir Maxamed Xasan RTN TV
15 Guuleed Aadam Muuse Kalsan TV
16 Bile Mire Horn Cable
17 Abdirahman Mohamed
Wardi Ahmed Cabdulle Goobjoog TV
18 Cabdullaahi Sheekhdoon SBC
19 Ahmed Mohamed Ibraahim Radio Kulmiye
20 Cali Xasan Cali Radio Risaala
21 Cabdulle Muuse Xasan Som News
22 Cabdifitaax Muumin Ilkacase 5TV
23 Cabdullaahi Xuseen Cumar Mustaqbal Media
24 Fu’aad Muxyidiin Khaliif SNTV
25 Cabdi Aadan SNTV
26 Cabdikhadar Cabdullaahi Ibraahim SNTV
27 Maslax Abshir SNTV
28 Xuseen Maxamuud Maxamed SNTV
29 Deeq jiinow macalin
Saab TV
30 Shamis Hasan Harun VOS TV
31 Abdifitah Mohamud Shaarkey SNTV
32 Maxamed Cabdulahi maxamed CBA TV