Home Afsomali Somaliya oo ugu horeysa hadana guurka Gabdhaha Aan Qaangaarin ee Guurka...

Somaliya oo ugu horeysa hadana guurka Gabdhaha Aan Qaangaarin ee Guurka Lagu Qasbo Ma wixii xunba Xaawa ayaa leh mise waxbaa ka jira

War qoraal ah oo kasoo baxay Hey’ada Badbadada Caruurta ee Save The Children ayaa lagu sheegay in Sanadkan Cusub ee 2017 qiyaas ahaan 15 Milyan oo Gabdho aan qaangaarin ah lagu qasbi doona Guur marka la eego Caalamka oo Idil.

Hey’ada ayaa sidoo kale sheegtay in Gabdhaha Da’doodu u dhaxeeyso 15-18 ay u nugulyihiin Guurka qasabka oo loo Guuriya Rag u noqon karo Awoowe Da’ahaan.

Save The Children ayaa Xustay in Maalin Walbo oo katirsan Sanadkan 2017 -ka Guur lagu qasbi doona 12,000 Gabar oo aan qaangaarin sida Daraasad ay Muujisay.

Warbixintan ayaa laga diyaariyay Daraasad laga Sameeyay 144 Dal oo ay Soomaaliya ku jirto iyadoona lagu sheegay Dalalka ugu badan ee uu ka jiro Guurka qasabka ah ay yihiin Wadamada Africa.

Gabdhaha iyaga oo aan qaangaarin lagu qasbo Guurka ayey Hey’adu sheegtay in aay unugulyihiin Geeri Xiliga Foosha.

Dalalka Niger, Chad, Central African Republic, Mali iyo Soomaaliya ayaa ugu hooseeya Waddamada Guurka qasabka ah geliya Gabdhaha aan gaarin xilliga Guurka,waxaana ay Daraasadda intaas ku dartay in Waddamadaas sidoo kale ay ku badanyihiin kiisaska umul raaca.

 Una memoria de la organización no gubernamental explica las causas de esta práctica infame y los países donde más incidencia tiene. hoose ka aqriso warka oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.