Waxaa si aad ah u sii badanaya kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah ee gudaha dalkaas dilka, dhawaca iyo Boobka hantiyadeed ugu geeysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee inay ka Sahqeystaan u tegay dalkaas, iyada oo saacadihii la soo dhafay dhalinyaro Soomaali ah dil & dhaawac loo geystay.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalka koonfur Afrika waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo Dhalinyaro ah, xilli uu ku sugnaa dukaan uu ka Shaqeeynayay.
Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Daahir, iyada oo goobta ay ka baxsadeen kooxii Burcadda ahaa ee dilka geysta, waxaana goobta gaaray Ciidamo boolis ah, kuwaas oo aan ku guuleysan inay qabtaan.
Sidoo kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdikariim Kaamil xilli uu ku sugnaa tuulada Missionvale isago waday gaari Rooti uu ku wareejinayay.
Dhinaca kale Kooxo Burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxaa ay ku dhaawaceen dukaankiisa oo ku yaalla tuulada Unkwenza France ee hoostagta deegaanka KWAZAKHELE ee magalada Gqeberh.
Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee degaanka Unkwenza , dhaawaca muwaadinka Soomaliyeed ayaa la gaarsiiyay Livingston hospital si loogu daaweeyo.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa snad walba si joogto ah loogu dilaa dhalinyaro Soomaalia ah oo dalkaasi u tegay inay ka Shaqeystaan, iyada oo Madaxda dowladda Koonfur Afrika wax ka qaban dilalka Soomaalida.