Home Afsomali Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey oo si weyn ugu...

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey oo si weyn ugu debaaldegty Munaasabadda Ciidul Adxa (DAAWO SAWIRADA )

ciid-norwey

Iyadoo maanta ay tahay Maalintii 1aad ee Ciidul-Adxaa ayaa waxaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsø oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukudeen Salaaddii Ciidda gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsø waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee loogu debaaldegayo munaasabadda Ciidda waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odeyaasha,Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Qeybahqa kala duwan ee Bulshada ayaa farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka ee ku nool daafaha adduunka iyagoo ka dalbday qof kasta oomuslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.

Culumaa`udiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta Munaasabadda ceynkaan oo kale ee Ciidda maadaama ay malaayiin muslimiin ah  soo guteen waajibaad xajka iyagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay u duceeyaan dalkooda si uu u noqdo wadan xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.

2 COMMENTS

Leave a Reply to Nolasha Cusub Soo Dhawey Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.