Home Afsomali Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar  Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan, isla markaana la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo  madaxaweyne ,Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada New York kaga qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ayaa halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan oo ka kala yimid caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.