Home Afsomali Soomaaliya iyo Kenya oo dib u hawlgalinaya safiirradii

Soomaaliya iyo Kenya oo dib u hawlgalinaya safiirradii

Dawladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la soo celiyo oo la sii xoojiyo calaaqaadkii dublamaasiyadeed, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

“Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan ayaa ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed, Madaxweynayaashuna waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn.

Calaaqaadka labada dal ayaa xumaaday ka dib markii ay Kenya sheegtay in Soomaaliya ay beecisay ceelal ay shidaal ceegaagaan oo Kenya leedahay, arrintaas oo Soomaaliya ku sheegtay waxba kama jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahin ka sii bixinaya qodabada heshiiska ka soo baxay ayaa qoraalkan hoose soo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.