Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (jaamac) oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya aya la kulmay dhigiisa kenya Eugene Ludovic Wamalwa EugeneLWamalwa.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labadeena dal maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa sheegay in wakhti dhow la guda geli doono fulinta howgalka cusub ee ATMIS.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay waxaa ay cod isku raaceen hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somalia, ee loosoo gaabiyo ATMIS, oo bedelaya hawlgalka Midawga Afrika ee haatan ee AMISOM.