Home Afsomali Soomaaliya oo la wareegeyso Shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda...

Soomaaliya oo la wareegeyso Shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta 40 sanno ku dhawaad ,

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegeysa Shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta, taasoo ah horumar laga sameeyay dhinaca diblomaasiyadda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya la wareegi doonto shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta kulankiisa 151-aad, taasoo dhabaha u xaareysa in shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta horaanta sanadka soo socda 2019 uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo Soomaaliya ay noqoto shir guddoomiyaha Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.