Home Afsomali Soomaaliya oo la wareegtay guddoomiyaha Kormeerka joogtada ee Midowga Afrika ee QM

Soomaaliya oo la wareegtay guddoomiyaha Kormeerka joogtada ee Midowga Afrika ee QM

Soomaaliya ayaa la wareegtay guddoomiyaha meertada ah ee Xafiiska Kor-joogtada Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay. Xafiiskan oo shaqadiisa ka mid tahay inuu si guud uga shaqeeyo aragtida iyo danaha ergada waddamada Midowga Afrika ee QM.

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo xilkan qabanaya, ayaa xarunta Qaramada Midoobay ka jeedin doona hadalka korjoogtada ee ergada dalalka Midowga Afrika.

Shaqada uu qabto Ergada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay ayaa ah isku dubbaridka xiriirada heer safiirnimo ee Ergada Joogtada ah ee Afrika ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale Midowga Afrika ku metelaa Qaramada Midoobay iyo sidoo kale horumarinta iyo joogteynta xiriir wax ku ool ah oo u dhexeeya AU.

Ambassador Baale ayaa xilka kala wareegaya Amb. Fatima Kyari Mohammed oo ahayd korjoogtada joogtada ah Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.