oolar
Sida lagu qoray Wargeyska dowladda Turkiga Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa bixineysa lacagtaas, waxaana soomaliya bil walba la siin doonaa lacag dhan 2.5 Million illaa inta ay ka gaareyso 30 Million oo dollar.
Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa ku sheegtay sababtaya ay Soomaliya u siineyso lacagtaas in Soomaliya ay ku horumariso dhaqaalaheeda iyo dib u habeynta xarumaha dowladda.
Sidoo kale Turkiga ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan sida loo isticmaalo lacagahaas, iyagoona isha ku heyn doono in loo isticmaalay xeerka dhaqaalaha, horumarinta iyo dib u habeynta maamulka.
Dowladda turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana ay Soomaliya u tababartay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.