Home Afsomali Taageeradii Sacuudiga ee dfs oo jawaabteedu noqotay in soo celiyaa markab boosaaso...

Taageeradii Sacuudiga ee dfs oo jawaabteedu noqotay in soo celiyaa markab boosaaso ka baxay halka somaliland xoolihii ka baxay si toos ah loo qaatay

Wararka naga soo gaaraya Dalka Sucuudiga waxaa ay sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay soo celisay mid ka mid ah Maraakiibta Xoolaha ka dhoofisay Xeebaha Soomaaliya.

Markabka ayaa la sheegayaa in uu wado 30,000 (soddon kun) Neef oo Ari ah,kuwaas oo laga dhoofiyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland.

Ilo ku sugan Sucuudiga ayaa xaqiijiyay in Xoolahan looga shakiyay cudurka Rifti faaliga,sidaas darteedna uu Sucuudiga iska diiday.

Markabka ayaa la sheegayaa in uu ku wajahan yahay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo uu markii hore ka baxay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga wali si rasmi ah ugama hadlin arrintan soo korodhay iyada oo dowladda Sucuudiga dhawaan uu xayiraadda ka qaadday Xoolaha Soomaaliya.

in ka badan 2milyan oo Xoolaha Soomaaliya ah ayaa sanadkan loo dhoofiyay Sucuudiga kuwaas oo inta badan laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.