Home Afsomali Taalooyinka loo ekeysiinayo Donald Trump lana gubayo ayaa ku soo badanaya dalka...

Taalooyinka loo ekeysiinayo Donald Trump lana gubayo ayaa ku soo badanaya dalka mareykanka isaga oo mar kale somalida ceebeeyey

donald-trump

Musharaxa madaxweyne ee dalka mareykanka Donald Trump ayaa  Mar kale aflagaadeeyay Soomaalida ku Nool Mareynkanka

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale dhaliil xoogan usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa sheegay in Soomaalida ay musiibo weyn ay ku yihiin Minnesota iyo sidoo kale gobolada ee ay ka degan yihiin dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Minnesota ay u nugul yihiin in ay la shaqeeyaan kooxda Daacish oo uu sheegay in Qaarkoodba ay ku biireen.

Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi ayuu yiri Donald Trump.

Donald Trump ayaa wacad ku maray hadii uu noqdo madaxweynaha dalka Mareykanka in aysan iska imaan doonin dadka Soomaaliyeed dalka Mareykanka ,islamarkaana ay waqti adag ay ka qaadan doonaan.

https://youtu.be/Qc-13WJefKs

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.