Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, kulankiisa seddexaad, Kalfadhiga 7aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Aug. 2020, isaga oo xoojinaya dedaalka Golaha Aqalka Sare uu ku bixiyay dib-u-bilaabashada wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isla markaasna bogaadinaya warmurtiyeedyadii ka soo baxay Shirarkii Dhuusamareeb I iyo II, Guddigu wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa qodobbada soo socda:
▪ Waxaan ku bogaadinaynaa Dowlad Goboleedka Galmudug iyo
Shacabweynaheeda gogosha Soomaaliyeed ee ay u fidiyeen mas’uuliyiinta
labada heer dowladeed si ay uga wada-hadlaan arrimaha masiiriga ah ee
Qaranka.
▪ Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta labada heer dowladeed ee u madlan
in ay isugu yimaadaan Shirka Dhusamareeb III oo ku astaysanaa maanta
15 Agoosto 2020 in laga wada shaqeeyo sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaas
isla markaasna ahmiyad gaar ah la siiyo ka qeybgalkiisa.
▪ Waxaan u soo jeedinayaa, annaga oo maanka ku hayna ahmiyadda uu
shirkaasi u leeyahay Ummadda Soomaaliyeed xilligan kala guurka ah, in
mas’uuliyiintu ka miro-dhaliyaan shirkaas laguna soo soo saaro go’aanno
dhaxalgal ah oo Dalka ka samatabixiya xaaladdaan kala guurka ah.