Soomaalidu dhexdeeda markii ay is xalin waayaan mar walba shisheeye baa soo kala dhex gali jirey oo dantooda u sheegi jirey waa taariikh mudo soo socotey.
2003-dii bey Nairobi ka dhacdey oo markii ay heshiin kari waayeen hogaamiye kooxeeedyadii siyaasada ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu hanjabtey in cunaqabateen safar iyo mid dhaqaale la saari doono mid kasta oo iyaga ka mid ah oo caqabad ku noqda geedi socodka nabadda Soomaaliya.
2008- Markii ay isku dhaceen madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Ra’iise Wasaare Nuur Cadde, beesha Caalamka ayaa xalisey gaar ahaan Dowladda Mareykanka.
2016. Dowlad Goboleed Puntland wuxuu qaatey go’aan ah in Xildhibaannada Federaalka lagu qaybsado degmo oo waxey diideen 4.5. Dowladda Federaalka oo madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh iyo Dowlad Goboleedyadii kale waxey qabeen in 4.5 Xildhibaannada lagu qaybsado. Isjiid jiid dheer kadib khilaafkaas waxaa soo dhexgaley Beesha Caalamka waxaa Garoowe lagu saxiixey heshiis dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland kasoo suurtageliyey in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya 2016/2017.
Baaqa ay xaley soo saartey Safaarada Mareykanka waa hordhac kale oo muujinayo in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah iyo Bulshada Rayidka in go’aanka ugu danbeeya ka gaari doonaan doorashada Soomaaliya 2021.
Dowladda Soomaaliya 3 sano iyo bar ayey haysatey in dalkaan ku gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah mana suurtagelin. Hadda waxaa qasab ah in doorasho heshiis lagu yahay dalka ka dhacdo oo gaar ahaan Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah heshiis ku yihiin, madaama Dowladda Soomaaliya sida uu Dastuurka qabo ay ka kooban tahay labba heer:
Qodobka 49-aad ee Dastuurkii Federaalka wuxuu u qeexayaa qaab dhismeedka Dowladda Soomaaliya wuxuuna u qoran yahay sidatan:
1. Qaab dhismeedka Dowladda Federaalka wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dowladeed:
a) Heerka Dowladda Federaalka.
b) Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.
Dowladnimo Soomaaliya ma jiri karto haddii labbada heer ee dowladimo mid la waayo. Madaama Madaxweyne Formaajo taas fahmi waayey, Safaarada Mareykanka ayaa xasuusisey oo tiri ” Villa Somalia eeg Dastuurkaada !.”