Home Afsomali Tababar siyaasadeed 3 sano ka dib Shariif sakiin oo dalka ku soo...

Tababar siyaasadeed 3 sano ka dib Shariif sakiin oo dalka ku soo laabtay

Ilowsho dhowaa ma umul baa.?

Waxaan daawaday Shariif Xassan Sheekh Aadan oo shalay [27-8-2020] ka soo dagay Muqdisho, ayna soo dhowayntiisa ka qaybgaleen shicib iyo siyaasiyiin.

Marka aan dib u akhrinno sooyaalka siyaasadeed ee Shariif-ka, aniga waxaa ii soo baxaya in aanu weligii dan iyo maslaxad Soomaaliyeed ka shaqeyn, ee mar walba uu ahaa mid dantiisa gaarka ah daba-orda, marna cadow usha u

Shariif iyo kuwa la midka ah maanta ma ahayn inta ay bulsho soo hor-istaagaan oo la dhageysto.

Shariif Xassan, waa ganacsade siyaasi noqday, waxa uu garanayo ama raadinayo waa macaash oo keliya! Khibrada uu leeyahay waxay tahay; kala dalaalid, isku dir, iska horkeen, laaluush bixin, musuq-maasuq, masiirkii dalkan oo cadow la hoos geeyo iyo camiil-nimo. Aniga igu soo dhici mayso taariikh wanaagsan oo aan ku xasuusan karayo Shariif iyo kuwa la midka ah, ama kalsooni aan ku qabi karo in maanta iyo berri ba uu ka shaqayn karo dan iyo maslaxo Soomaali leedahay, maxaa innagu qabsanaya marka in qofka intaas oo sifo ah leh inaan waqti ku lumino u sacab tumidiisa.?

Aaway damiirkii dadka, halkuu ka baxay.? Ma waxaa nagu dhacday cudurka habisda la yiraa, ee qofku aanu hadli karin, waxa keliya ee ku waajibayana ay tahay inuu aamuso.? Maxaa ii diidaya in muhalig kasta ee dalkan shalay soo qaribay ama cadow u loogay in lagu dhici waayo in wax laga waydiiyo jariimooyinkii uu gaystay.? Aaway waxgaradkii iyo dadkii bulshada indhaha u ahaa.? Sow ma ogidiin kuwa la dulmaya ee dhibku ku dhacayo inaad idinka tihiin.? Haddii maalin walba aad dhageysataan beenta iyo qubxiga mid ma-gudbe ah sow weligiin dhib & silic ku jiri maysaan.? Maxaa inaga qaaday damiirka oo inoo diiday mid kasta oo kursigii iyo meqaamkii lagu aaminay ku daneysta inaan runta kala gamban oo aan ku niraa, maba ahayn inaad bulshada soo hor-istaagto waxay ahayd inaad xabsi ku jirto.

Waxaan qabaa weli in ay jiraan kuwa badan oo innaga mid ah oo damiirkoodu nool yahay, goor ay ahaatana ka dhiidhin doona waxa horteena ka muuqanaya.

Waxay aflagaado iyo ihaano ku noqonaysaa caqliyadeena in xilligan 2020 aan sii daawano daneyste, u bartay xaaraantii uu laba canlayn jiray, haddana doonaya inuu dalkan oo maanta ka soo kabanaya dhaawacyadii iyo tiihii ay badeen kuwa uu isagu ka mid yahay inaan sii fiirsano mar kale hamiyo inuu innagu celiyo halkii laga yimid.

Qofka caqliga u saaxiibka ahaa, marka uu arko wixii uu shalay qaban waayey dad kale oo qabtay, dariiqa keliya ee u furan waa inuu bogaadiyaa, garowsadaana inuu garab istaago, haddiise ileyska yar ee maanta Soomaaliya u baxaya uu isku dayo inuu baqtiiyo ha ogaado in dadku aysan maanta diyaar u ahay in ay ku laabtaan

Ma ihi taageere Dowladda Madaxwayne MC Farmaajo, oo qudhooda dhaliilo badan ayaan u hayaa, haddana marka aan arko kuwii shalay dib u dhaca iyo halaaga ina baday, oo uu Shariif-ku ka mid yahay, oo halkii ay wajiyadooda innaga qarin lahaayeen ay na soo hor-istaagaan, isma celin karo, waayo waxaan jeclahay dalkan sharaftiisa iyo horu-kiciisa.

Dhibaatada ugu wayn ee Soomaaliya haysata waxay tahay. in badan oo bulshada ka mid ah waxaa lagaga faa’ideysanayaa duruufaha nololeed ee haysata, waxayna noqdeen xaabo dabka lagu shito, waxaa muuqata dadka isugu soo baxay soo dhowaynta Shariif-ka marka laga reebo siyaasiyiin ku sheega danleyda ah in bulshada kale ay ahaayeen kuwa shilimaad loo qaybiyay.

Soomaalaay, hurdada ka kaca, oo indhaha kala fura, iskana qabta kuwa damiir-laawayaasha ah ee cadowga shisheeyaha u shaqaynaya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.