Home Afsomali Tacsida Prof Gaandi oo katirsanaa Golaha Midowga Musharaxiinta oo geeriyooday

Tacsida Prof Gaandi oo katirsanaa Golaha Midowga Musharaxiinta oo geeriyooday

Isbitaal ku yaala Magaalada Paris ee caasimada Dalka Faransiiska, waxaa ku geeriyooday  Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo ahaa musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan  golaha shacabka.

Sida aan wararka ku helnay Prof Gaandi oo ahaa siyaasi caan ah hadana xubin ka ahaa golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha  ayaa ku xanuunsanaa dalka Farnsiiska uu degnaa halkaas uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Madaxwaynaha  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , Musharaxiin iyo Siyaasiyiin kale oo caan ah ayaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan  Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi)

Musharaxa geeriyooday ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolada Jubooyinka , waxa uuna horey usoo noqday Wasiirkii hore ee Wasaarada gaashaandhiga dowladii KMG ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.