Ilaalada Xeebaha Britain ayaa Isniintii labo nin oo Soomaali ah ka soo badbaadiyay xeebta Essex ee bariga gobolka Ingiriiska ee dalka Britain, kuwaas oo la socday dooni yar oo kasoo gudubtay biyaha u dhexeeya farasiiska iyo Britain – waxaa iyana wali aan la hayn 3 qof oo saaraa isla doonta oo la rumaysan yahay in ay ka dhaceen doontaas markii ay kasoo baxayeen xadka Faransiiska – Waa safar halis badan,
Raage Omaar oo ah tafatiraha wararka dibadda ee ITV ayaana qeyb ka ah warbixintan muhaajiriinta u soo gudbaya biyaha English Channel.
Waxaa jira warar aan helay oo sheegaya in dhowrka qof ee doonida ka dhacay ay Soomaali yihiin oo maydkooda laga helay English Channel – Allaha u naxariisto