Home Afsomali Daawo Taliyaha Booliska oo Amaro Culus kasoo saaray Xaruumaha Adeegga dadweynaha ee...

Daawo Taliyaha Booliska oo Amaro Culus kasoo saaray Xaruumaha Adeegga dadweynaha ee dadka lagu dhibaateeyo

https://youtu.be/rb0_BBJsNfU

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CICID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda.

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

 

 

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugu dambeyn, Waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.