Home Afsomali Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Xawaadleey

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Xawaadleey

Kadib markii saaka waaberigii hore ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Xawaadleey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe weerar qarax ku billaawday ayaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka hortagtay, isla markaana ay dishay 21 katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha CXD Gen Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ay jabiyeen Al-Shabaabkii soo weeraray Saldhigga ciidamada ee deegaanka Xawaadleey, isla markaana Ciidanka ay uga dhinteen 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidamada kusii daba jiraan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray, ayna dalka oo dhan si xowli ah uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

24 saacadood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka waxaa ay la wareegeen Saddex degmo oo istiraajiidi u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah, Ceeldheer iyo Galcad oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud & Xarardheere oo katirsan Gobolka Mudug.

Tan iyo markii Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay billaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa ay la wareegeen degmooyin iyo degmooyin dhowr ah, balse Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo ah kusoo qaadayaan degaannadii iyo degmooyinkii laga qabsaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.