Home Afsomali Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM oo xilkii si rasmi ah kala wareegay...

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM oo xilkii si rasmi ah kala wareegay Jen. Subagle oo xilka ku wareejiyey (DAAWO SAWIRADA )

Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta ugu weyn AMISOM ee Muqdisho (Xalane) ayaa waxaa xilka ku kala wareegay Jen. Subagle oo ka soo jeeda Jabuuti iyo Jen. Jim Besigye Owoyesigire oo dalka Uganda u oo u dhashay.

Madaxa Howlgalka AMISOM danjire Francisco Madiera Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta, oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatay.

Jen. Subagle oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga cun yahay isagoo aan Al-Shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shaqada ay sii wadi doonaan Taliska cusub ee uu xilka ku wareejiyey.

Jen. Jim Besigye Owoyesigire ayaa isna sheegay in Subagle iyo Ciidanka AMISOM ay soo qabteen shaqo adag, hadana uu rajeynayo in shaqada halkeeda uu ka sii wado.

Danjire Francisco Madiera ayaa uga mahad celiyey Jen. Subagle shaqadii uu soo qabtay, isaga oo Taliska cusub ka dalbaday inay laba jibaaraan Howlgalka AMISOM ee xoojinta nabada Soomaaliya.

?????????????????????????????????????????????????????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.