Home Afsomali Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Hassan Mohamed...

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Hassan Mohamed Abukar (Xasan Jaamici

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Hassan Mohamed Abukar (Xasan Jaamici ) oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan taliska xoogga dalka, ayna hormuud u tahay Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa maanta booqasho la xiriirta wadatashiga iyo la socodka xaaladohooda ugu tagey saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ee u diyaarsan ka qaybgalka wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga cirib tirayo dalka.
Booqashadan oo ka dhacday fadhi Ciidanka deegaanka ee isku abaabuley ka qayb galka xoreynta deegaanada bari ee gobolka Galgaduud ay ku leeyihiin meel banaanka ka ah Magaalada Dhuusamareb ayay taliyaha qaybta iyo saraakiisha wehlisey xog dhameystiran kaga dhageysteen qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanada bari ee gobolka oo uga waramey sida ay goor horeba dagaalkan ugu diyaar garoobeen, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal kasoo daabuley meelo Galmudug ka baxsan.
Ugu dambeyn Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Hassan Mohamed Abukar (Xasan Jaamici ) iyo saraakiisha kale ee ay ugu horeyso Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman oo u khudbeeyay naftood hurayaashan diyaarka u ah wajiga labaad ee howlgalka xoreynta dalka ayaa balan qaadey in dowladu diyaar u tahay dhiirigelin walba oo ay u baahan yihiin Ciidankan, si gaar ahna ay u tixgelin doonaan macluumaadka ciidan ee ay saraakiishu la wadaageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.